Dastuurka Somalia Pdf

  1. Dastuurka Somalia
  2. Dastuurka Cusub Ee Somalia Pdf
  3. Dastuurka Soomaaliya Pdf

Dastuurka Qabyada ah ee Cusub oo la soo bandhigay oo aad u Khafiifiyey Shuruudaha laga doonayo qofka Madaxweynaha u noqonaya Qaranka Soomaaliya Guddiga Dastuurka Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii August 26, 2010 waxay soo bandhigeen “Qabyo Qoraalka Dastuurka la Tashiga” si loo geliyo la tashi dadweyne. (Nuqulka Dastuurka cusub kala soo bax linkiyada hoose). Dastuurka Qabyada ah oo ah PDF ka akhri halkan: ama Dastuurkaas “Qabyada” ah oo ka kooban 179 qodob, kuna qoran Af-Soomaali iyo Af-Ingiriisi. Waxana qormada Af-Soomaaligu ka kooban tahay 69 bog.

Dastuurka Somalia

Somalia

Sidaas daraadeed waa Dastuur u baahan in si xeel dheer ay u eegaan, ugana baaraan degaan si ka fiirsi leh culimada, sharci-yaqaannada, aqoonyahanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aan lagu socodsiin ama lagu dhaqan gelin ummadda Soomaaliyeed. Markaasna caddeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin. Taas oo jirta ayaa haddana durbadiiba indhuhu qabayaan Qodobka 95aad oo ku saabsan Shuruudaha qofka Madaxweyne u noqonaya Soomaaliya, qodobkaasi waxa uu dhigayaa sidan: • Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka. Halkaas waxaa ka cad in shuruudahaas aysan ka mid ahayn: in uu Muslim yahay, in dhimmirkiisu dhan yahay ama in maankiisu fayaw yahay, in aan horey loogu xukumin dembi culus ama dambi ka gelin qaranka.

Dastuurka Qabyada ah oo ah PDF ka akhri halkan: Af-Soomaali ama English. Yaa dastuurka loo badalayaa?? Somali daraadeed mise cido kale?? QABYOQORAALKA DASTUURKA LATASHIGA DADWEYNAHA Jumhuuriyadda Soomaaliya Waxaa soo diyaariyey Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka. Dastuurka federaalka jamhuuriyadda soomaaliya soomaali 2012. Dastuurka federaalka jamhuuriyadda soomaaliya soomaali 2012. [pdf-ppt-viewer href=”http://www.

Shuruudahaas oo sida aan hoos ku arki doonno ku qornaan jirey dastuuradii hore ee soo maray Soomaaliya, laakiin “Qabyo Qoraalka Dastuurkan cusub” shuruudahaas waa laga reebay. Haddaba maadaama Guddiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in “Qabyo Qoraalka Dastuurka” uu yahay “la Tashi” la weydiinayo dadweynaha, waxaa muhiim ah in ay qodobkaas degdeg u saxaan ayagoo ugu yaraan tixraacaya waxyaabihii ku xusnaa dastuuradii hore ee Soomaaliya. Haddii aan xusno qodobkaas ku saabsan Shuruudaha laga doonayo madaxweynaha Soomaaliya waxyaabihii ku qornaa dastuuradii hore waa kuwan: Dastuurkii Soomaaliya ee 1960 lagu sameeyey Muqdisho, qodobkiisa 71aad: • Muwaadin kasta oo Muslim ah, Aabihii iyo Hooyadiina ay labaduba yihiin muwaadiniin asal ah oo xaq u leh in uu cod dhiibto/bixiyo, da’diiso aysan ka yareen afartan iyo shan jir, waxuu mudnaan u yeelanayaa in uu noqdo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda. Qof lama dooran karo in kabadan laba xilli doorasho oo isku xiga. • Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ma qabi karo, mana guursan karo haweenay aan asal ahaan muwaadin Soomaali ahayn muddada uu xilka xafiiska hayo. Reason refill viewer. • Muddada uu xilka xafiiska hayo, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda kama qayb geli karo shaqa kale ee guud ama dadwayne oo aan ka ahayn xaqa in uu wax doorto, kamana qayb qaadan karo wax meherad xirfadeed oo shaqo, ganacsi, hawl warshadeed ama dhaqaale ah. Dastuurkii DKMG ee 2000 lagu soo sameeyey Jabuuti, qodobkiisa 23aad: Madaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku dooranaya xubnaha golaha shacabka.

Inilah komik paling misterius dan seru, Pandora Hearts. English to bahasa indonesia.

Dastuurka Cusub Ee Somalia Pdf

Dastuurka Soomaaliya Pdf

Qof kasta oo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran ayaa loo dooran karaa jagadaas: • Waa inuu yahay muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Somali dhalad ah; horena uusan u guursan, haddana qabin oori ajnabi ah. • Waa in uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya, da’diisuna ka yarayn 40 sano. • Waa in maankiisu fayaw yahay, dambina ka gelin qaranka. • Waa inuusan qaban masuuliyad xafiiseed ama ganacsi oo abuuri karta iska hor imaad danahiisa iyo kuwa qaranka. • Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan. Dastuurka DFKMG ee 2003 lagu soo sameeyey Kenya, qodobkiisa 40aad: 1. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha haddii uu buuxiyo shuruudaha soo socda: • a) Inuu/inay yahay/tahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Comments are closed.